Amar la sheegay in laga soo saaray Madaxtooyada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu joojiyay diyaarado siday ciidamo ka tirsan ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la qorsheeyay in ay maanta ka dagaan magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta ka tirsan Puntland iyo Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay hor istaagtay in diyaaradahan oo siday ciidamo iyo wafuud horudhac safarka madaxweynayaasha labaa maamul ay ku tagi lahaayeen magaalada Muqdisho.
Labadii diyaaradood ee loo diiday inay ka dagaan Muqdisho ayaa dib ugu laabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe.
Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa in ay carqaladeyso qabsoomidda shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay diyaaradaha cidiamada kasoo daabulay Garowe iyo Kismaayo, iyadoo u aragta in diyaarado ciidan ah oo laga soo dajiyo garoonka Aadan Cadde ay sawir khaldan ka bixiso ammaanka caasimadda.
Guddiga farsamo ee ka socday dhinaca mucaaradka ayaa sida xogta aan ku helnay ka xumaaday go’aanka lagu celiyay diyaaradaha siday ciidamada, iyagoo ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay raadinayso sabab ay ku fashiliso shirka ay iyadu soo qaban qaabisay.
Masuuliyiinta labada maamul ayaa lagu wadaa inay war kasoo saaraan go’aanka Villa Soomaaliya ee lagu joojiyay in ciidamada ilaalada madaxda labada maamul ay ka dagaan magaalada Muqdisho.











