Ganacsatada Dalka Qatar oo Loogu Baaqay in ay Maal gashadaan Dalka Soomaaliya Si labada Dhinac uga Faa’iidaan.

0
275

Rugta Ganacsiga ee dalka Qatar ayaa shalay oo Talaado ahayd martigeliyay wafdi ganacsi oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Golaha Maamulka rugta Ganacsiga Qatar, Raashid bin Xamad Al-Cathba, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Maamulka, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed bin Axmed Al-Cubeydli iyo Shaahiin bin Maxamed Al-Muhannadi.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalku leeyahay fursado maalgashi oo ballaaran kuwaas oo ku kala baahsan qaybo badan, isagoo ku dhiirrigeliyay ganacsatada reer Qatar in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya kana faa’iideystaan dhiirrigelinta iyo fududeynta ay bixiso dowladda Soomaaliya.

Waxa uu xusay in goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya ee Geeska Afrika ay ka dhigeyso albaab muhiim u ah ganacsiga gobolka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu soo dhoweeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Qatar gaar ahaan mashaariic wadajir ah, maalgashi iyo isbahaysiyo ganacsi, isaga oo muujiyay rajada ah in rugta Ganacsiga Qatar uu kor u qaado fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isla markaana fududeeyo xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Dhankiisa, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Qatar, Raashid Al-Cathba, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya uu yahay mid gaar ah, isagoo xusay in rugta Ganacsiga ay diyaar u tahay inuu ka caawiyo dhinaca Soomaaliyeed sidii ay maalgashi uga sameyn lahaayeen Qatar, isla markaana uu ganacsatada Qatar ku wargelin doono fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Qatar ay tahay xarun ganacsi oo muhiim u ah suuq ballaaran oo goboleed, isagoo ku boorriyay maalqabeennada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ay Qatar bixiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin kaabayaal casri ah iyo jawi maalgashi oo heer caalami ah.

Dhankiisa, Maxamed bin Axmed Al-Cubeydli ayaa sheegay in ganacsatada Qatar ay muujiyeen xiiso weyn oo ku aaddan barashada fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira sugnaanta cuntada, dalxiiska, kaabayaasha dhaqaalaha, guryaha, bangiyada iyo tignoolajiyada maaliyadeed.