Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga jawaabayso hadalo dhawaan kasoo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudiga la socodka dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay hadalada kaaoo yeeray qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhawaan sheegay in aan wax wadashiyo laga sameyn Dastuurka dalka.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in wadashiyada ay ka qeyb galeen dhamaan maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland, hayeeshee Shacabka deegaanadaasi ay arragtiyo ka dhiibteen wax ka badalka Dastuurka dalka.
“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Ugu dambayntii Wasaaraddu waxay adkaysay in dhamaan talaabooyinka la qaaday ay yihiin kuwo hufan oo waafaqsan mabaadi’da dastuurka, si loo hubiyo in latashiyada dadweynuhu noqdaan kuwo loo dhan yaha
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-













