800 Isugu Jira Daacish iyo Al-shabaab oo Dawladda Federalku Sheegtay in Sanadkan la Dilay.

0
5

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii ugu dambeeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish lagu dilay in ka badan 800 oo dagaalame, oo ay ku jiraan 50 horjoogayaal ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay hadda bilaabayso abaabul cusub oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo diiradda la saarayo deegaannada ay dib u qabsadeen iyo kuwa ay horey uga joogeen dalka. Waxa uu xusay in bilihii u dambeeyay dowladda ku howlaneyd dib-u-habaynta iyo tababarka ciidanka.

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in la soo jeediyay in miisaaniyadda lagu daro 10,000 oo askari oo cusub, si loo buuxiyo boosaska ay ka tageen askartii dhimatay, kuwa dhaawacmay, naafoobay ama kuwa goostay. Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in tallaabadan weli aan la hirgelin.

Wasiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay muddo 18 sano ah dagaal kula jirto argagixisada, isagoo intaas ku daray in dhismaha ciidan xooggan oo Soomaaliyeed looga adkaan karo Shabaab iyo Daacish. Waxa uu dhaliilay in bulshada caalamka aysan siinin taageero ku filan dhismaha iyo qalabaynta ciidanka, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka qayb qaateen xoreynta meelo badan oo dalka ah.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa walaac ka muujiyay in ciidamada dowladda aysan haysan hub waaweyn oo ay kula dagaallamaan Al-Shabaab, taas oo carqalad ku ah dadaallada amni ee dalka.