Prof. Yahya Amir ayaa si kulul uga hadlay go’aanka Golaha Wasiirrada ee ku saabsan qaabka loo qeybiyay degmooyinka Muqdisho, isagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn isla markaana ka hor imaanaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhisay.
Prof. Yahya, oo qoraal arrintan kaga hadlay, ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu yihiin hay’ad sharci ah oo uu aqoonsan yahay, balse aanay taageeri karin khalad kasta oo dhanka ogaalka, dulmiga ama ku tala galka ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Qaabka loo qeybiyay degmooyinka ee A & B ma ahan howl u taal Golaha Wasiirada ee heer qaran, waxayna sax noqon lahayd haddii ay kasoo baxday Dowladda Hoose ee Muqdisho,” ayuu yiri Prof. Yahya.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Golaha Wasiiradu qaadeen ay tahay mid “ka soo horjeeda mabda’a federaalka qabiillada Soomaaliyeed lagu heshiiyay” isla markaana ay gogol xaar u tahay “in shacabka Muqdisho laga hor istaago maamul madax bannaan.”
Prof. Yahya ayaa tilmaamay in nidaamka “Qof iyo Cod” uu noqday mid halis u ah mustaqbalka maamulka caasimadda, maadaama sida uu sheegay “midida daabkeeda laga heysto si dadka loogu mudo.”
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay inuusan shakhsiyan ka qayb gali doonin doorashada Qof iyo Cod ee Muqdisho, inkastoo uu xaqiisa muwaadinimo ee codbixinta heer qaran uu isticmaalayo.
Ugu dambeyn, Prof. Yahya Amir ayaa ugu baaqay Golaha Wasiirada inay dib uga laabtaan go’aankan, isagoo sheegay in “go’aankaasi uu yahay mid xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu duudsiinayo.”