Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray ogeysiis rasmi ah oo lagu wargelinayo dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan, kadib markii la dhameystiray hubinta iyo diiwaangelinta astaamaha (calaamadaha) iyo lambarrada xisbiyada ee loo isticmaali doono doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Diiwaangeliyaha Guud ee GMDQS, xisbiyada waxaa lagu faray, Inay dib u eegaan astaamahooda iyo lambarrada lagu calaamadeeyay ee u qoran si ay u xaqiijiyaan saxnimadooda.
Sidoo kale Inay soo gudbiyaan cabasho ama codsi sixitaan rasmi ah haddii ay jiraan khaladaad, muddo 24 saacadood gudahood laga bilaabo waqtiga ogeysiiskan.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo kalsoonida bulshada, iyadoo sidoo kalena la hubinayo in la ilaaliyo shuruucda doorashada ee dammaanad qaadaysa sinaan iyo tartan xor ah.
Bisha soo socoto ayay Guddiga doorashada qorsheenayaan inay magaalada Muqdisho ka qabtaan doorashada golaha Degaanka.














