Dawladda Federalka Soomaaliya oo Sheegtay in La Dhisayo Deked Muqdisho u Jirta 35 km.

0
74

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso deked cusub oo masaafo dhan 35 km u jirta magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo ganacsiga badda loona yareeyo ciriiriga dekedda Muqdisho ee hadda jirta.

Dekeddan cusub ayaa sida dowladdu sheegtay waxay qeyb ka noqon doontaa qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah iyo aag ganacsi oo gaar ah.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, oo wareysi siiyay warbaahinta Alcaraby ayaa sheegay in dekedda hadda jirta ay noqotay mid kaalin muhiim ah ka ciyaarta dhaqaalaha Soomaaliya iyo ganacsiga gobolka.

Maareeyaha dekeddu wuxuu sheegay qorshayaasha horumarineed ee cusub inay gacan ka geysan doonaan in dakhliga dekeddu uu gaaro $500 milyan sanadkiiba sanadka 2030, taasoo abuuri doonta sida uu sheegay in ka badan 25,000 shaqo oo toos ah iyo kuwo dadban.

Dhawaan, Dekedda Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay dekedda ugu wanaagsan Bariga Afrika, iyadoo kaalinta labaad ka gashay dalalka Sahel iyo Saxaraha, sida lagu muujiyay warbixin kasoo baxday qiimaynta waxqabadyada dekedaha oo uu soo saaray Bangiga Adduunka.

Si kastaba, ciriiriga maraakiibta waaweyn ayaa weli ah caqabad, taasoo ka mid ah sababaha keentay qorshaha deked cusub. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoogga saareyso ilaalinta badeecadaha la soo dejiyo, ka hortagga badeecooyinka sharci-darrada ah iyo kuwa waqtigoodu dhacay, iyo joojinta isku dayada tahriibka daroogada, taasoo xoojinaysa ammaanka dhaqaalaha iyo caafimaadka dalka.

Sanadkii 2024, dekedda Muqdisho ayaa laga soo dajiyay, lagana dhoofiyay ku dhawaad 2 milyan oo tan oo badeecooyin ah, oo kala ah; cuntada, shidaalka, qalabka dhismaha, iyo dhoofinta xoolaha iyo kalluunka.