Puntland ayaa ku xukuntay 15 kalluumeysato ah oo u dhashay Iiran midkiiba $500 oo ganaax ah iyo in dalkooda loo musaafuriyo, kaddib markii lagu qabtay iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland.
Sidoo kale, Puntland ayaa xukuntay in aan loo qabsan magtooda laba nin oo Iraaniyiin ah oo ku geeriyooday intii lagu jiray howlgalka lagu soo qabanayay kalluumeysatadan, iyadoo maxkamaddu go’aamisay in raggaasi ay dhinteen iyagoo ka baxsanaya gacanta hay’adaha amniga.
Laba nin oo Soomaali ah oo la socday kalluumeysatadan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,000, halka hal eedeysane kale oo baxsaday lagu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo $5,000 oo ganaax ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in doonta lagu qabtay howlgalka lagu ganaaxo $70,000 iyo in maamulka Puntland uu la wareego kalluunkii saaran, kaas oo si sharci-darro ah looga qaadanayay xeebaha Puntland.
Xukunkaan ayaa kusoo aaday, xilli kalluumaysiga sharci darrada ah uu dhibaato ku weyn ku hayo shacabka Puntland ee ku dhaqan degaanada xeebaha, kuwaas oo dhibbane u noqday maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada kawada halkaas.