Dhagar Qabe Miino Aasayey oo Ciidamada Baledxaawo Gacanta ku Dhigay isagoo Doonayey in uu Dad aan waxba Galabsabsan Nafta Dhaafiyo.

0
164

Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhagarqabe qorsheynayay fal argagixiso oo halis gelin lahaa nolosha shacabka iyo ciidamada deegaanka, kadib howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen xilli habeenimo ah.

Ninkan, oo aan weli magaciisa la shaacin sababo la xiriira baaritaanka socda, ayaa lagu qabtay isagoo ku howlanaa aasidda labo xabo oo miinooyin ah, meel muhiim ah oo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka iyo gaadiidka ciidamada ammaanka.

Miinooyinkan ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsan lahaa gaadiidka ciidamada iyo dadweynaha deegaanka sida ay baahisay warbaahinta ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in dhagarqabaha lagu qabtay isagoo wato qalabkii uu u adeegsan lahaa aasitaanka miinooyinka, taasoo si cad u muujineysa in uu falka si buuxda ugu talo-galay.

Waxaa sidoo kale la bilaabay baaritaan dhameystiran oo lagu ogaanayo haddii uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso ah ama shabakad kale oo gudaha ama dibadda uga timid.

Ciidamada ammaanka ayaa ku ammaanay shacabka degmada Beledxaawo sida ay uga war hayaan dhaq-dhaqaaqyada shisheeye ee halista ku ah deegaanka, waxaana ay ugu baaqeen inay sii laba jibaaraan feejignaanta ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.