Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Jabahada Ururka raaskambooni ayaa Awaamir Adag Dul Dhigay saxafiyiinta Ka Howl Galo Magaalada kismaayo Ee caasimad Goboleedka J/Hoose
Afhayeenka Jabhada Raaskambooni C/Naasir Seerar Oo isu Yeeray Dhammaan Weriyeyaasha Ka Howl Gala Magaalada Kismaayo ayaa Waxa Uu U Sheegay In Laga Bilaabo Maanta aysan Cidna Diri Karin war Uusan ka war Qabin maamulka Magaalada Kismaayo
Sdioo kale Afhayeenka ayaa U Sheegay Saxafiyiinta In Subax Waliba Xilliga Shaqada ay Yimaadaan Xarunta Maamulka isla markaan ay Soo Gudbiyaan Wararka ay Dirayaan Si Loola socda Xaaladooda Sidaas Waxaa Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom U Sheegay Mid Ka Mid ah saxafiyiintii Ka qayb Galay Kulanka
Waa Cadaadis Hor Leh Oo Ku Soo Kordha saxafiyiinta Soomaaliyeed Mana Jirto Wax U harsan Oo kalifilaa In ay Shaqo Joojin Sameeyaan Maadama Horey Loo Dilay La Xidhay haatanna Lagu Amray Arin ka Dhan ah Xuriyatul Qowlka Saxaafadda
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom





