Goobtii lagu duqeeyay Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi oo ka tirsanaa samadoonada gobolka Sanaag, ayaa laga sameeyay Taallo xasuus ah, iyadoo lagu dalbanayo caddaalad iyo daahfurnaan ku saabsan dilkiisa.
“Waxaan ka dalbabaynaa caddaalad iyo daahfurnaan Dowladda Maraykanka, sababtii lagu dilay hoggaamiye dhaqameed aan jeclayn,” ayaa lagu qoray farriin ku qoran Taallada.
Goobta Taalladan laga sameeyay waxaa dhinac yaalla burburkii gaarigii lagu beegsaday Caaqilka, kaasoo la sheegay inuu halkaas yaali doono ilaa Maraykanka ka garowsanayo gardarrada lagu beegsaday Caaqilka.
Dhawaan, qoyska marxuumka ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, iyagoo ka codsaday in Puntland caddeyso doorka ay ku lahayd dilka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Maraykanka uusan wax ogeysiis ah ka siinin dilka Caaqilka, balse dowladda ay wado baaritaan ku saabsan kiiska.
13-kii bishii hore ayaa Caaqilka lagu dilay duqayn ay fulisay ciidamada Maraykanka ee gobolka Sanaag.
Laba toddobaad kaddib, Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqaynta, isagoo sheegay inay beegsadeen xubin ka tirsan kooxaha argagixisada oo ku lug lahaa kala gudbinta hubka.
Kaddib sheegashadan, dibadbaxyo ka dhan Maraykanka iyo Puntland ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Sanaag.