Maamulada Somaliland iyo Puntland oo Heshiis iskaashi Amni iyo Wadashaqeyn ku kala Saxiixday Nairobi Dalka Kenya.

0
337

Mas’uuliyiin ka kala socday Somaliland iyo Puntland ayaa markii ugu horreysay yeeshay kulan fool ka fool ah oo lagu qabtay magaalada Nayroobi, ee caasimadda dalka Kenya, 4–5 October 2025, kaas oo lagu gaadhay is-afgarad ku saabsan in labada dhinac ka wada shaqeeyaan amniga, nabada, iyo dhaqaalaha.

Kulankan, oo ay ka qayb galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo labada dhinac ka kala socday, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Puntland.

Warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in shirku uu dhiirrigeliyay wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dhinac, isla markaana uu abuuray jawi cusub oo lagu dhisayo kalsooni iyo is-aaminaad.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagu heshiiyey:

1. Iskaashiga Arrimaha Amniga

Labada dhinac ayaa ku heshiyey in ay si wadajir ah uga hortagaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana iska kaashadaan sugidda amniga xuduudaha. Waxaa kale oo lagu ballamay in la xoojiyo iskaashiga badaha iyo la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee saameeya dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

2. Nabadeynta Bulshada
Shirka ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Ceerigaabo iyo deegaannada ku dhow, laguna dhiirrigeliyo barakacayaasha inay si nabad ah ugu laabtaan guryahooda. Waxaa lagu bogaadiyey doorka Madaxweynaha Somaliland ee gogosha nabadda, iyo ka-qaybgalka Puntland ee dadaalladaas nabadeed.

3. Xoojinta Ganacsiga iyo Isu-socodka Bulshada
Labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo isu-socodka dadka iyo ganacsiga, iyo in la sameeyo kaabayaal dhaqaale oo isku xidha deegaannada labada dhinac si kor loogu qaado fursadaha horumarineed ee gobolka.

4. Siyaasadda Maamulka Hawada
Shirka ayaa cambaareeyay siyaasada ay Soomaaliya ku dhaqdo isticmaalka hawada ee duulimaadyada rayidka ah, isagoo ku baaqay in arrimaha hawada lagu maareeyo si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.

Warsaxaafadeedka lagu soo gabagabeeyay kulanka ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay ka go’an tahay: In ay joogteeyaan wadashaqeynta iyo wada-xaajoodyada danaha labada dhinac. In ay dhiirrigeliyaan nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka. In ay soo dhaweynayaan kaalinta Beesha Caalamka ee taageerada nabadda iyo la-dagaalanka argagixisada.