Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Qaraxyo Xoogan ayaa Caawa Laga Maqlay Deegaano Ka Tirsan Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Hiliwaa Ee Gobolka Banadir
Qaraxa Koowaad ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Saldhiga Degmada yaaqshiid Waxaana wararka qaar ay Sheegayaan In Qaraxa Uu Ahaa Bama Nuuca gacanta Laga Tuuro Oo Lagu Weeraray Ciidamada Booliska Saldhigga
Qaraxa labaad ayaa islana Ka Dhacay Gudaha Degmada Hiliwaa Gaar ahaan Halka Loo Yaqaan Biyo Dageenka Waxaana Isna Lagu Weeraray Ciidamo Militaar ah Oo Fariisin Ku Lahaa Halkaasi
Ma Cadda Ila Iyo Haatan Khasaaraha Dhabta ee Qaraxyadaani Balse Dadka Ku Sugan Deegaanada Uu Qaraxyada Ka Dhacay ayaa Wal Wal ka Muujiyey Guuxa Weyn Ee Qaraxyadaasi
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom




