Madaxweynaha Maamul Goboleedka Waqooyi Bari oo ku eedeeyey Maamulka Somaliland in ay Abaabul Dagaal ku Jiraan.

0
228

Maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga hadlay waxa uu ku sheegay abaabul ciidan oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kaas oo uu maamulku ku eedeeyay in ay wado Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in maamulkaasi si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay Somaliland ka wado xadka, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo weerar ka dhan ah bulshada deggan Waqooyi Bari.
“Ficilkan qorsheysan wuxuu khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida aan ku soo dhisnay dadaal badan, wuxuuna saameyn karaa guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Somaliland lagula xisaabtami doono wax kasta oo ka dhasha ficiladan oo uu ku tilmaamay “gardarro,” isagoo sheegay in Somaliland qaadi doonto mas’uuliyiyada buuxda waxyeello kasta oo ka dhalata.

Sidoo kale, maamulka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ah ilaalinta midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca shacabka. Waxaa kale oo uu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo beesha caalamka in ay si cad u cambaareeyaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Somalilan.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerar kasta oo kaga yimaada Somaliland lakiin ay doorbidayaan xal nabadeed in lagu dhameeyo is fahan waaga.

Somaliland dhankeeda may sheegin in ay wax dhaqdhaqaaq ciidan ah ka wado deegaamada jiidaha, isla markaana ilaa hadda kamay jawaabin eedaha maamulka Waqooyi Bari.