Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Kualn ay Soo Qaban Qaabiyeen Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Deegaanada Banaadir Isla Markaan Lagu Taageerayey Aqoonsiga Dowladda Mareykanka ay Siisay Soomaaliya ayaa Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Kulanka Waxaa Ka Soo Qaby Galay Xildhibaanada Ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya, Odayaal Wax Garad Culumaa’udiin Iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada waxaana Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Ictiraafka Dowladda Mareykanka ay Siisay Soomaaliya
Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Deegaanada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax Oo Kulanka ka Hadlaya ayaa Shaaca Ka Qaaday In Aqoonsiga Dowladda Mareykana ay Siisay Soomaaliya ay Ka Daqmbeysay Ka Dib dadaal Uu Sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud
“ Aqoonsiga Dowladda Mareykanka Waxa uu Yimid Ka Dib Dadaal Xoogan uu Sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh”
Sidoo Kale Waxaa Hadal Ka Jeediyey Kulanka Xuseen Caraale Cadaan Oo Ka Mid ahaa Xildhibaanadaii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa Uuna Shaaca ka daaqay In ay Soo Dhawaatay Xilligii Soomaaliya ay Gacaheedu Ku Istaagi Lahayd
Tan Iyo Markii Uu Soo Baxay In Mareykanaka ay Aqoonsatay Soomaaliya Waxaa Soo Badanayey Taageerada ay Ictiraafka U Fidinayaan Dhinacyada Siyaasada Soomaaliya Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom





