Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa si adag ugu eedeeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya inuu is taago dagaalkii mudada dheer dadka reer Hiiraan kula jireen Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Wasiir Karoore ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda reer Hiiraan ineysan dowladda Fedaraalka ka helin taageeradii ay u baahnayeen, taasina ay keentay inuu hakad ku yimaado dagaalkii ay kula jireen kooxda.
“Dowladda Fedaraalka waxay si cad u dayacday Macawiisleyda oo markii hore ciidamada dowladda ee ku sugnaa Hiiraan awood ahaan waxay ku tiirsanaayeen Macawiisleyda, markii la jabayna waxay ahayd in dowladda la jabtay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Karoore in Macawiisleyda reer Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana si muuqato loo arkay guulahii ay ka gaareen dagaalka Al-shabaab.
“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda, ma aha dad caado u leh inay dawarsadaan, maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah oo garabkooda waxay ka waayeen Dowladdii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Karoore.
Hadalkan Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay dib ula wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo horay kooxda looga xureeyay laba sano ka hor.