Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir oo Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinku ku Dhawaaqeen in Dib Loo Furayo.

0
284

Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo bilaabayo diiwaan galinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah.

Guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Warbaahinta ayaa u sheegay in 9-ka bishaan September dib loo billaabayo Diiwaan galinta dadweynaha.

“9-ka bishaan ilaa 30 keeda waxaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee is  diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Axmed.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa ugu baaqay Ururada kale ee soo buuxiyay dhamaan sharuudaha looga baahna inay is diiwaan galin karaan oo waqti walba albaadada u furan yihiin .

Diiwaan galinta guddiga uu shaaciyay in mar kale dib loo bibaabayo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo diiwan galinta dadweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ku ekeyd 15- ka bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Si kastaba ha ahaate arinta doorashooyinka qof iyo codka ah waxaa diidan Xubnaha mucaaradka garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.