Gargaarka Bini’aadannimo ee Soomaaliya oo Dawladda Norway Balanqaaday in ay Kor u Qaadeyso.

0
322

Xukuumadda Oslo ayaa si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga labada dhinac, iyadoo ballanqaadday in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si looga hortago loona maareeyo xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Ballanqaadkan waxaa bixisay Merete Dyrud, Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Norway ee Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macalim Aadam kaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dyrud ayaa sheegtay in dowladda Norway ay door firfircoon ka ciyaari doonto taageerada dadaallada socda ee Soomaaliya, si loo yareeyo saameynta ay leeyihiin xaaladaha bani’aadamnimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Waxay sidoo kale tilmaantay in Norway ay kordhin doonto gargaarka iyo taageerada, iyada oo xoogga la saarayo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka ka hortagga iyo jawaabta degdega ah ee xaaladaha adag ee saameeyay bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalim Aadam, ayaa uga mahadceliyey Norway taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyey rajada ah in ballanqaadyada cusub ay gacan ka geysan doonaan sidii loo horumarin lahaa howlaha gargaar iyo sidii loo gaarsiin lahaa caawimaad waqtigeeda ku habboon bulshada u baahan.

Norway ayaa muddo dheer ka mid ahayd wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ee Soomaaliya, iyada oo ka qaybqaadata barnaamijyo lagu taageerayo gargaarka, adkeysiga bulshada, iyo xasilinta guud ee dalka.