Wafdi milatari oo heer sare ah kana socda dalka Masar, kuna sugan magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo ujeedadeedu tahay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha lagu doonayo in ciidamo Masri ah lagu biiriyo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya.
Wafdigan oo ka kooban 16 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Masar, waxaa hoggaaminaya Taliye sare, Janaraal Islam Radwan, waxaana si rasmi ah u soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan ATMIS iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, wafdiga Masar waxay yeesheen shirar rasmi ah oo ay la qaateen madaxda ATMIS oo uu hormuud u yahay Danjire Al-Haj Ibrahim Dine, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Waxa kale oo wafdigu ka qayb galay warbixin amni oo ballaaran oo lagu qabtay xarunta dhexe ee ciidamada ATMIS ee Muqdisho.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda wafdigu sameeyaan kormeerro kala duwan oo ay ku eegayaan goobaha muhiimka ah ee laga yaabo in laga dejiyo ciidamada Masar, taas oo qayb ka ah diyaarinta habka ay ciidamadaasi uga mid noqon doonaan howlgalka.
Tallaabadan ayaa muujinaysa ka go’naanshaha Masar ee doorkeeda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan xilligan oo Soomaaliya ay wajahayso marxalad kala-guur ah oo ku aaddan mas’uuliyadda amniga kadib bixitaanka tartiib-tartiibka ah ee ciidamada ATMIS.
Masar ayaa sidoo kale u aragta Soomaaliya meel istiraatiji ah, iyadoo xoojinta xiriirka labada dal ka dhigaysa arrin mudan horumarin.
Waxaana la dareemayaa in ay Masar doonayso in ay sare u qaaddo joogitaankeeda gobolka, xilli khilaafka kala dhexeeya Itoobiya ee la xiriira biyo-xireenka Biyaha Nile (Biyo-xireenka GERD) uu weli taagan yahay.