Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay weheliyaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Kornayl Axmed Fathi Cabdelsatar Al-Xusayni.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal, barnaamijyada tababarka ciidanka, iyo dardargelinta diyaar-garowga ciidanka Masar ee qeybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Mas’uuliyiinta labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhanka difaaca ah si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhaweysay kaalinta ay Masar ku leedahay taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay howlgalka AUSSOM, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga gobolka.
Dowladda Masar ayaa dhowaan la qorsheenayaa in ciidamo kummanaan ah ah ay kusoo biiriso howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xasilinta gayiya Soomaaliya.