Shir Muhiim ah oo Soomaaliya Uga Qeyb Gashay Magaalada Houston ee Dalka Mareykanka,

0
246

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Houston ee Mareykanka ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta.

Wasiirka ayaa intuu socday shirkan caalamiga ah kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sar sare iyo madaxda shirkadaha Maraykanka ee ka shaqeeya tamarta iyo shidaalka, isaoona kala hadlay sidi kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo maalgashiga ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

“Waxa sharaf ii ah inaan hoggaamiyo wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta ee sanadkan ka dhacaya magaalada Houston ee Mareykanka, si aan ula wadaagno dhammaan ganacsatada caalamka fursadaha dhanka shidaalka iyo gaaska ee dalkeenna Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiirka in Kulamada gaar gaarka ahaa uu la qaatay masuuliyiinta iyo shirkadaha iney ahayeen kuwa diirada lagu saaray fursadaha balaaran ee ku jira maalgashiga Batroolka iyo Tamarta Soomaaliya, islamarkaana ay  isla garteen dhinacyadii uu la kulmay muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi iyo taageero farsamo oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo horumar waara.

“Dhammaan saaxiibada aan la kulannay waxaan kala hadalnay in dalkeenna u furan yahay maalgashiga, ayna naga go’an tahay hufnaanta si aan u soo jiidanno maalgashadayaasha, taasi oo fursad weyn u abuuri karta dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa mar kale muujisay go’aankeeda ku aaddan daah furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi hufan oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.