Taliska Mareykanka ee Africom oo Sheegay in ay Duqeeyeen Goobo ay ku Dhuumanayeen Madax Daacish ka Dagaalama Puntland.

0
300

Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeeyay hawlgal laba toddobaad socday oo dhammaaday 23-kii Agoosto 2025, kaasoo uu ka fuliyay gudaha Puntland.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymadu lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga Baallade.

Hawlgallada ayaa si gaar ah loogu jihaystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish.

Taliyaha AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, ayaa ku tilmaamay duqeymahan go’aanka iyo ballanqaadka Maraykanka ee ku aaddan sugidda amniga shacabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa.

AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijooyinka hawlgalka. Si kastaba, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, iyadoo lagu sababeeyay arrimo amni.

Sida uu qoray wargeyska Stars and Stripes, Maraykanku wuxuu xaqiijiyay in uu fuliyay in ka badan 50 duqeyn gudaha Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadka 2025—taasoo ah tirada ugu badan ee hawlgallo noocan oo kale ah ee soomaaliya laga fuliyo sanad gudihiis.

Daraasad lagu daabacay West Point CTC ayaa tilmaantay in sareynta duqeymaha sanadka 2025 ay qayb ka tahay guud ahaan siyaasadda cusub ee Maraykanka oo ku saabsan in ISIS-Somalia ay halis dhab ah ku tahay gudaha Maraykanka; taasoo keentay in la kordhiyo hawlgalada aan kaliya diiradda saarayn Soomaaliya.