Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya prof xasan sheekh maxamuud iyo wufuud uu horkacayo ayaa maanta ka duuley garoonka aadan cadde airport isagoo u kicitimey dalka mareykanka.
Madaxweynaha ayaa casumaad rasmi ah ka heley dawlada dalkaasi ee uu hugaamiyo brack obama,iyadoo sida la filayo uu ka qeyb gelayo munaasabada 20ka janewery oo ku beegan caleema saarka mudada labaad ee m/weyne obama,waxaana sidaas oo kale casumaad taa lamid ah heley m/weynihii hore ee somaaliya shekh sharif shekh axmed,iyo sidoo kale madax ka tirsan xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed,kuwaas oo uu iyagana horkacayey madaxweynaha xmjs c/nur axmed darman oo isaguna jimcihii dalka ka ambabaxey.
Safarka m/weyne xasan sheekh ayaa noqonaya kii 9’aad tan iyo intii uu xilka qabtey m/weyne xasan shekh ayaa ku tilmaamijirey safarada debeda kuwo aan loo baahneyn culeyka dhaqaale ee ay wataana uusan dhaqaalaha dalka ka go’i karin balse markii uu kursiga heley ayuu ilaabey hadalkiisii,wuxuuna safarkani kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada faransiisku laayey dad soomaali ah oo aan waxba galabsan,dawlad u hadashey iyo xuquuq soomaalinimo oo ay ku leeyihiin dawlada dalkooda waa xukuumada hada talada heysee!.




