Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka kaas oo muhiim u ah xoojinta amniga, madaxbannaanida, iyo nidaamka isgaarsiinta qaranka.
Xargaha isgaarsiinta ee badda hoos mara ayaa ah laf-dhabarta xiriirka caalamiga ah, maadaama ay xambaarsan yihiin in ka badan 95% xogta internet-ka ee dunida.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallim ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda Hoos Mara.
Xeer-nidaamiyahan wuxuu Ku saleysan yahay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005 ee 2017) Sidoo kale wuxuu la jaanqaadayaa sida ay sheegtay Wasaaradda Isgaarsiinta, Heshiiska Habraaca Mideysan ee Xargaha Feebarka oo la saxiixay 23 Nofeembar 2023, iyadoo uu xambaarsan yahay dhowr tiir oo muhiim ah:
1. Hirgelinta nidaam caddaalad ah oo ku saabsan codsiga iyo bixinta rukhsadaha la xiriira xargaha badda hoos mara.












