Maamul U Sameynta Jubbooyinka Shir Ku Saabsan Oo Dhawaan La Filayo Inuu Ka Furmo Kismaayo.

0
510

Maamul u sameynta Jubooyinka Shir Ku Saabsan ayaa la filayaa in todobaadka soo socda uu ka bilowdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose halkaasoo ay gaari doonaan ergooyin ka kala socda deegaanada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo Qeybo Ka Mid Ah.

Dhawaan ayaa Waxaa jiray khilaaf ku saabsanaa qaabka dhismaha maamulka oo u dhaxeeyay Maamulka KMG ee Kismaayo iyo xubnaha kale ee shirka qaban qaabinayay ayaa la sheegay in la xaliyay wixii mad-madow ahaa ee ku saabsanaa habka dhismaha maamulka Goboladaasi.

Sida Ay Sheegayaan Warar ku dhow dhow gudiga farsamada ee qaban qaabinaya shirka oo ay xubno ka yihiin IGAD in maalmaha soo socda la guda geli doono shirweynaha maamul u sameynta, iyadoo la sugayo in magaalada ay gaareen ergooyin ka kala socda beelaha dega Gedo Iyo jubooyinka.