Sida Ay Sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka in xalay duleedka magaaladaasi uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Iyo ciidamada Amisom iyadoona dagaalkaasi uu khasaare geystay.
Weerarkaasi ayaa ka dhacay dagaan lagu magacaabo Bilaal waxaana uu soconayay dagaalkaasi muddo kabadan saacad.
Dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ayaa si weyn looga maqlayay gudaha magaalada Marka iyadoona dagaalka oo markii hore madaafiic ku billowday ay keentay Inuu Sii Xoogeysto oo Faraha Laysla Galo.




