Dadka kunool degmada dayniile ayaa cabasho ba’an ka qaba ciidamo hubeysan oo milateri ah,kuwaasoo dadka dhacaya,dilaya,kufsanaya isla markaana degaya oo gelaya guryaha dadka.
Dadka shacabka ah oo dhibaato ay ku hayaan ciidamada ku lebisan dharka milateriga ayaa kasoo reynesey balse markii uu muungaab fariistey ayey mar kale bilaabeen in ay dadka ku dhacaan dharka iyo qoriga dawlada,waxaana mid kamid ah odayaasha deegaanka dayniile uu sheegey in ay codsanayaan in laga qabto ciidamadan aan la aqoonin ujeedada ay dadka u dilayaan u dhacayaan u kufsanayaan waaba kuwii la rabey in ay badbaadiyaan,isagoo sheegey ilaa 17 qof si bareera loo diley,isagoo sheegey in ay jiraan kufsi iyo dhac aan tirokoob laheyn.
Maahan markii ugu horeysey ee cabasho laga muujiyo ciidamada wata direyska milateriga,kaas oo u muuqda in ciidamadu ay ku sameysmeen si aan wadaniyad laheyn balse ay yihiin kuwo dadka dib ugu soo laabtey heeryadooda ayeyna cunayaane maahan kuwo sumcad iyo nololi ku jirto,sidaas darteed dadka shacabka ah waxey u baahanyihiin ciidamo ay kusoo cararaan ee uma baahna ciidamo laga cararo oo bahalo dadka cuna ah.




