Xasan Sheekh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Dowlada Somalia ayaa mar kale ku celiyay in aanay dowladiisa wax gor-gortan la geli doonin Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo Kale Madaxweyne Xasan Sh. Gur Guurte Oo Hadalkiisa Inteedi Badan Kaga Hadlay Dagaalyahanada Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab Ayaa Fariin Waxa Uu Ugu Diray Dhalinyarada La Shaqeysa Shabaab.
“Mudane Gur Guurte “Dhalinyarada waxay heystaan fursad nolol wanaagsan ay ku noolaan Karaan hadii aysan dad dileyn oo ay wax qarxineyn fursad waa tanaa ha shaqeystaan Oo wixii hore haka yimaadaan waxay ku imaan kartaa wadada ABC, intaas wixii qancin weyso waa iska qabasho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ajaaniibta aanu wax boos ah aanu dalka uga banaaneyn, isagoo xusay inay u furan tahay oo kaliya ay dalka isaga baxaan.
Madaxweynuhu ayaa dhowr jeer oo hore fariin u diray dhalinyarada Iyo Guuto Ajinabi Ah Oo ka bar bar dagaalanta Shabaabul-Mujaahidiinta Soomaaliya.




