Shir ay isugu yimaadeen soomaalida degen kenya ayna kasoo qeybgaleen ganacsato odayaal,wasiiro iyo xildhibaano iyo marti sharaf kale ayaa waxaa looga wada hadley dhibaatada lagu hayo dadka soomaalida ah oo qeyb muhiim ah ka ah qoomiyadaha ku nool dalka kenya.
Shekh maxamed shakuul oo shirka ka hadley ayaa sheegey in soomaalida si gaar ah loo tilmaansado,la dhaco,la raafo hadana dadki ay adeegan la’ayihiin sidaa darteed wasiiro xildhibaano maxaa nala gudboon mise sidaas ayaad dadkiini ku fiirsaneysaan?ayuu sheekh shakuul weydiiyey xildhibaano iyo wasiiro kooban oo shirka kasoo qeybgaley.
Waxeyna xildhibaanadi shirka kasoo qeybgaley muujiyeen dhamaantood in aan la eegan karin waxa soomaalida lagu hayo hase ahaatee waxaa ugu danbeyntii shirka ka hadley wasiirka g/dhiga dalka kenya yusuf xaaji isagoo sheegey in aanu ogeyn meel lagu bixiyey amarka ficilada aad sheegeysaan waxaanan idiin balan qaadayaa in aan isaga dego xilka aan hayo,ama soomaalida laga daayo waxa lagu hayo ay isu dhinac taal,isagoo intaa ku darey in soomaalidana laga rabo in ay joojiso laaluushka iyo lacagaha ay la ordayaan ayna isku kalsoonaadaan.
Waa markii ugu horeysey oo la arko soomaalida shacabka ah iyo madaxda soomaalida dawlada ku jirta oo wada hadla hadal mideysana kasoo wada saara,waxeyna imaneysaa waqti ay soomaalidu fahamtey hagar daamada dawlada kenya maleegeyso,waxeyna keeni kartaa kacdoon in uu soomaalida kenya sameeyaan taasina ay sababto in somaalida NFD ka go’aan kenya inteeda kale dagaalada kenya gudaheeda ka socda ay fidaan dalka kenyana uu burburo.




