”Sh.Cali Dhere”Shacabka Reer Puntland Ma Ahan Iney Kala Taageraan Mucaaradka Iyo Maamulka Farole,Waa Inay Taageeran Shareecada Alle.

0
474

Sheekh Cali Max’uud Raage (Sh.Cali Dhere ) Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shir Jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in cadawga shisheeye Oo Uu Ula Jeedo Dowlada Taageeraya Somalia uu guul darro ku socdo Kuna Fashilmeen Ujeedkooda.

Sidoo Kale Cali Dhere ayaa soo hadal qaaday howlgallada sida xowliga ah ku socday oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalooyinka Muqdisho,Marka,Jowhar,Boosaaso,Walaweyn,Leego iyo meelo kale Isagoona Sheegay Weeraradaasi Iney Guul Ka Soo Hoyeen Dagaalyahanada Al-shabaab.

Sh.Cali Dhere Afhayeenka Guud Ee Dhaq Dhaqaaqa Shabaab ayaa Waxa Uu Kaloo faah faahin buuxda ka bixiyay dagaal saacado qaatay oo shalay ka dhacay G/Gedo deegaanno katirsan Waxa Uuna Carabka Ku Dhuftay In dagaalkii dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso Ay Saanado Millatry Ku Soo Furteen.

Cali Max’ud Oo Shirkiisa Dhinacyo Badan Taabanayey Ayaa Wuxuu shacabka Ku Nool Magaalada Boosaaso ugu baaqay in ay taageeraan ku dhaqanka shareecada Islaamka oo aysan kala taageerin mucaaradka iyo maamulka Faroole Isagoona baaq gaar ah u jeediyay shacabka magaalada Muqdisho oo Uu Sheegay In Ay dhibaato xoogan kala kulmayaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa DF-ka ee Soomaaliya.