M/weyne Gur guurte iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka ambabaxay garoonka Muqdisho gaarayna dalka Sudan

0
547

Warakii Ugu Dambeeyey Ee Soomaliaya kala Soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com

Wafdi Ballarn Uu Hogaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Gur Guurte ayaa Maanta ka Ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Iyagoo ku Sii Jeeday Magaalada Waddan Suudaan

M/Weyne Gur Guurte ayaa Waxa Safarkiisa Ku Wehlinaya Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga qaran, Wasiirka wasaarada maaliya Iyo Masuuliyiin Kale.

Safarka madaxweynaha ayaa Waxa Uu Yimid Ka Dib Markii Uu Casumaad rasmi ah Ka Helay Dhigiisa Dalkasi Mudane Cumar Xasan Al Bashiir

Sidoo Kale Wararka Haatan La Helaya ayaa Sheegaya In Wafdiga Madaxweynaha ay Ka Dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Damaziin ee Gobolka Blue Nile waxaana Halkaasi Ku Soo Dhaweeyey Wafdi Kale Oo Hor Boodayey Madaxweynaha Dalka Sudan Mr Bashiir

Mr Gur Guerte Iyo Wafuudiisa ayaa Lagu WadaiN ay ka qayb galaan unaasabada Sanad Guurada 57-ad ee Ka Soo Wareegtay Markii ay Xornimada qaadatay Dalkasi

Dhanka kale Labada Masuul ayaa La Filayaa In Kulamo Gaar ah ay Yeelan Doonaan Kaasoo Lagu Lafa Guraya Halka ay Mareyso Sameynta Lacagaha Cusub Ee Soomaaliya Loo Sameynayey