Ra’iisalwazaare saacid oo booqdey ciidamada ku sugan madaxtooyada iyo nawaaxigeeda..

0
559


Warakii Ugu Dambeeyey Ee Soomaliaya kala Soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com

Moqdisho, 01, Jan, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashsda ee ciidamada ayaa xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi

Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’ntahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowbaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan ee.

Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula shekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.
—–DHAMAAD—–

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650

+252-699270033
Mogadishu, Somalia