Waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada muqdisho xuska iyo xusuusta sanadka cusub ee miilaadiga 2013ka iyadoon meelna lagu sheegin kan hijriga ee muslimiintu ku xisaabtamaan 1434 oo aan bishiisa koowaad ee muxaram dhamaadkeeda aan ku gudajirno.
Dad badan ayaa qaba in sababtu tahey dawladaha muslimka sheegta oo aan wax tixgelin ah siinin,mushaaraadka shaqaalahana ku bixiya bilaha miilaadiga ku bixiya,iyadoo ilbaxnimada iyo taariikhdaba ay ku horeyso taariikhda hijriga balse waxa hada hoos u dhigey ay masuuliyadeeda leeyihiin oo keliya dadka hugaamiya shucuubta muslimka ah,walina ma jirto wax hoos u fiiriyey sida ay daaqada uga sii bixi rabto taarikhda hijriga.
Sanad kasta marka uu bilaabanayo waxaa aduunka laga dareemaa bilashadiisa halka aan kan hijriga cidina la socon billawgiisa iyo halka uu marayo marka laga reebo culimada islaamka iyo dad tiro yar oo qalbiyada ku heysta mooyee.
Hadii ay muslimiinta oo dhan ay qaadan lahaayeen taarikhdooda hijriga waa looga dayan lahaa sababtoo ah waa tiro kala yar oo ay haboontahey in ay muslimiintu marka hore hirgeliyaan isticmaalka tr-hijriga xukuumadaha ka taliya dalalka muslimkuna mushaaraadka ku bixiyaan oo meel leyska dhigo miilaadiga markaas waxaa xaqiiqo ah in aqoonsiga iyo ogaanshaha hijrigu kor u soo kacayo.
Waxaana xusid mudan in sugnaanshaha taarikhahan ay sareyso tan hijrigu sababtoo ah waxaa la yaqaan marka ay soo bilaabatey oo sugan mida miilaadiga mugdi iyo mala awaal ayaa ku jira,mida kale trikhda hijriga waxaa ku jira oo mudantahey in la barto oo lala socdo maalmo cibaado sida bilaha xurmada leh,oo afarta ah xajkuna ku jiro bisha sekada maalka bisha ramadaan iyo maalmo diini ah oo ay lagama maantahey in la barto.




