Israsaaseyn Qasaaro Geysatay Oo Maanta Ka Dhacday Xaafada Sooni-key Degmada Hodan Ee G/Banaadir

0
647

Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Israsaaseyn ka dhacday ayaa waxaa ku dhintay ilaa seddex ruux oo rayid ah, iyadoo laba kalana la sheegay inay ku dhaawacmeyn Rasaastaasi.

Qasaaraha Ka Dhashay Israsaaseyntaan maanta ka dhacday Xaafada Soona Key ee Degmada Hodan, ayaa timid Kadib markii Ay laba kooxood isu qabsadeen dhul ku yaala Xaafadaasi.

Maleeshiyaadkaasi Ayaa isu adeegsaday Hubka noocyadiisii kala duwan ee qoryaha daran dooriga u dhaca waxaana maanta laga dareemay Xaafada Soona Key, iyadoo bulshada ku dhaqan ay walaac badan ka muujiyeen Dhawaqa Rasaasta.

Waxaa la xaqiijiyay inay shaqaaqadaan ku dhinteen Ilaa seddex ruux iyadoo laba kalana ay ka soo gaareyn dhaawacyo fudud, oo loogula cararay Xaruumaha Caafimaadka.

Cabdi Maxamed Dhabaney Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir , ayaa sheegay inay xaaladu xilligaan tahay mid deggan, isagoo intaasi ku daray inay kala dhex galeen dhinacyadii ay israsaaseyntu dhex mareen.