Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo 2 Dumar Ah Ku Kufsaday Wadada Isku Xerta Afgoye Iyo Marka.

0
497

Habeen Labo Ah Kuwaasoo la socday gaari uu noociisu uu yahay caaasi Ayaa lagu joojiyay inta u dhaxeyso Magaalada Marka iyo Degmada Afgooye waxaana Ay Sheegeen In Ay kufsi kula keceen niman ku labisan Dareyska Ciidamada.

Haweeneeydaani Labada Ah Ayaa Waxa Ay Saarnaayeen Gaari Rakaab Ah oo dad Farabadan Ay Saarnaayeen Iyagoona ka soo qaaday Magaalada Marka wuxuuna socdaalkoodu uu ku wajahnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose xilli ay marayeen inta u dhaxeyso Marka iyo Afgooye, ayaa waxaa joojiyay niman ku labisan Dareyska Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadii Joojiyay Gaariga Ayaa Waxay kala deggeen labadaan hablood oo ka mid ah rakaabkii la socday gaarigaan, waxayna u geysteen kufsi fool xumo badan leh, iyadoo aysan jirin cid ka hadashay oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ka Wakiilka Ah.