Wararka Ka Imaanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya In Maanta dooni ganacsi oo ku sii jeeday dekedda magaalada Muqdisho ay ku degtay biyaha degmada Bendar Bayla ee gobalka Bari Kaasoo La Sheegay In Ay Qasaaro Xoogan Ka Dhalatay.
Maxamed Faarax AadanWasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doonida ay ku degtay xeebta deegaanka kululle oo u dhow degmada Bandar Bayla Ee Maamulkaasi.
Sidoo kale Waziirka Waxa Uu sheegay in doonta ay siday bagaash iyo qalabka dhismaha,iyadoo dalka Pakistan ay u dhasheen shaqalihii doonida la socdayna Guud Ahaantoodaba.
Siciid Anteeno Oo Isna Ah Duqa Degmada Badnar-Bayla Ayaa Isna sheegay in shaqaalahii doonta la badbaadiyey, kadib markii doontu u soo dhawaatey dhanka xeebta iyada Ay ka soo baxsanaysa dabaylaha Halkaasi Ka Jirtay waxaana uu sheegay in Baddu aad u kacdey ay ka dhasheen hirar waaweyn biyuhuna galeen xaafado kamid ah magaalada taas oo ah xaafadda hoose, welina aan la qiyaasi karin khasaaradda dhabta ah ee Ka Dhashay Doonidaasi.




