Waziirka Gaashaan Dhiga Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho,Una Gaaray Maanta Garbahaarey Siinta Darees Iyo Mushaharaad.

0
479

C/xakiin Xaaji Fiqi Waziirka Gaashaan Dhiga Xukuumada Soomaaliya Oo Ay wehliyaan taliyaha ciidamada xooga dalka Gen.Diini,Agaasimaha Nabad Sugida Axmed M.Fiqi Iyo Xubno Kale Ayaa Maanta Gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo Halkaasoo Uu Kula Kulmay Saraakiisha Ciidamada dowlada ee Gedo

Waziirka Ayaa saraakisha ciidamada ku wareejiyey mushaharaad oo ay lahaayeen ciidamada dowlada iyo dareeska ay xertaan ciidamada

Inta Uu Garbahaarey Joogay Waziirka ayaa Waxaa Weerar Ku Qaaday Dagaalyahano Taabacsan Dhaq Dhaqaaqa Al,shabaab waxaana la sheegay weerarkaasi inuu ka dhashay qasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyadoona ay dib ugu soo laabteen waftigii uu horkacayey waziirka magaalada muqdisho.