Ciidamada dawlada iyo kuwa ethiopia ayaa la wareegey gacan ku heynta degmada ufuroow ee gobolka baay.

0
545

Waxaa isasoo taraya meelaha lagala wareegayo xarakada alshabaab,iyadoo la sheegayo in lala wareegey gacan ku heynta degmada ufuroow ee gobolka baay.

Gobolka baay ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku haya alshabaab marka laga reebo xarunta goboka ee beydhabo,berdaale tanina waxey noqoneysaa degmadii sadexaad ee gobolka baay,waxaana la wareegey ciidamada ethopia iyo kuwa dawlada federalka soomaaliya.

Lawareegida degmada ufuroow ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan uu sheegey ra’isalwasaraha ethoipia uu sheegey in aaney ciidamada ethiopia ka baxeyn dalka soomaaliya isla markaana uu sheegey madaxweyne xasan sheekh in ay iskaashanayaan dawladaha deriska ah oo ay ethoipia ku jirto.