2 Ruux ayaa ku geeriyootay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii Gaari si xowli ah ku socday uu ka baxay wadada Maka Al-Mukaarama ee Gobolka Banaadir.
Gaarigaani shilka galay ayaa waxa uu ka baxay wadada Laamiga Ah isagoo si xowli ah ku socda waxana uu ku dhacay Meel bohol weyn Ah kuna taala agagaarka isgoyska dabka ee Wadada Makka-Al-Mukarama.
Labadaani Ruux Ee ku Geeriyootay shilkan ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa injineer dhinaca dhismaha ah halka ruuxa kalana uu ahaa qof marayay wadada Oo Uu Gaariga Horey U Jiiray.
Wadada Makka Al-Mukarama Shilkaani Ka Dhacay ayaa ahaa mid ka mid ah kuwa ugu xun ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo hore dhowr jeer ay Ka dhaceen shilal noocan oo kale ah Iyadoona Ay Gudaha Magaalada Muqdisho ku soo badanayaan gaadiidka Nooca raaxada loo yaqaan, wadada Maka Al-Mukaramana Waa wadada ugu mashquulka badan Ee Gobolka Banaadir.




