Waxaa dalka soomaaliya soo gaarey madax iyo masuuliyiin kasoo kala jeeda dawlada mareykanka iyo dawlado kale oo bariga dhexe ah,iyagoo marti u ah madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed.
Madaxdan ayaa maamula shirkado ganacsi oo waaweyn kuwaasoo diyaar u ah in ay maal gashi ku sameeyaan soomaaliya,ayna dadka soomaaliyeed wax kala qabanayaan dhinacyo badan sida dib u dhiska magaalada muqdisho jidadka dalka gudihiisa ah,warshado wax soo saar,ceelasha biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Sida ay u sheegeen warbaahinta madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo m/weynaha xisbiga mjs c/nur axmed darman iyo gud kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic,waxey sheegeen in ay si fiican meel wax isula dhigeen iyaga iyo madaxda ka socotey shirkadaha ganacsiga dalka soo gaarey,isla markaana ay sugayaan kuwo kale oo iyaguna kasoo kala jeeda shirkado ganacsi laga leeyahey Ruushka,Shiinaha iyo Yurub,waxaanan rajeyneynaa bey yiraahdeen in la aamini doono dalkeena iyo dawladnimadeena mar hadii bey yiraahdeen laga baxey kumeel gaarkii caqabada ku ahaa in aan aduunka wax la qabsano.
Dhanka kale madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa ka codsadey xubnaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka in ay sameeyaan xeerarka qaranku u baahanyahey,sida xeerka xisbiyada,gudiyada madaxabanaan ee dastuurku qeexayo iyo xeerka dawlad goboleedyada,iyo waliba sida loo qeybsanayo kheyraadka dabiiciga ah,si awooda dalku u baahdo dadkuna ay u wada shaqeeyaan iyagoo dhawraya shuruucda dalka,isla markaana xubnaha baarlamaanku ka fekeraan sidii soomaalida siyaasada isaga soo horjeeda ay meel kaliya isugu iman lahaayeen oo ay furaan wadahadalo xaqiiqda salka ku haya.




