Shekh maxamed cabdi umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka kenya degen ayaa sheegey in soomaalidu aaney ka cararin tuugta midiyaha wadata oo ay is difaacaan.
Shiikha oo careysan ayaa yiri war magaca soomaalida meel xun ha dhiginina oo fuleynimo hanoo qaadina,markii aan dalkeeni joogney dagaal qabiil idin la dhashey ayaad dhihi jirteen waan ku janno tageynaa ee waatan mida lagu jano tagayo hadii lagugu dilo iyo hadaad dishaba waa sharaf iyo wanaag ee is daafaca tuug midiyo wata dalka ha uga cararina ayuu yiri shekh umal.
Dhanka kale shekha ayaa sheegey in masaajida iyo meelaha dadku ku kulmaan taxadar laga muujiyo isla markaa masaajida kaamerooyin lagu xiro hadii dawladu aysan ku xireyn waa in aan annagu ku xiranaa maadaama aduunyadu talaabsatey xaga tignoolajiyada waa in aan la talaabsanaa oo aan dadaal muujinaa intii alle naga waafajiyo,hadalka sheekha ayaa imanaya xili dhawaan bumb lagu tuurey masjid al hidaaya oo ku yaal islii nairobi oo soomaalidu u badantahey.




