Dagaal u dhaxeeya ciidamada amisom, kuwa dawlalada federalka iyo dagaal yahanada xarakada alshabaab oo ka kala dhacey meelo badan.

0
548

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dawlada federalka oo kaabayaan kuwa amisom iyo dagaal yahanada xarakada alshabaab ayaa ka kala dhacey gobolka sh/hoose gaar ahaan N0 50,gobolka sh/dhexe gaar ahaan Koongo,iyo gobolada baay iyo bakool oo ay isku farasaareen alshabaab iyo ciidamada ethiopia oo deegaanadaasi ku sugan.

Dagaaladan oo kusoo beegmaya waqti ay dawlada federalku la daala dhaceyso sidii ay u wajihi laheyd siyaasada dalka iyo xiriirka dhaw ee lala yeelanayo dawladaha caalamka,kaas oo u muuqda in lagu khal khal gelinayo habsami u socodka hawlaha amni ee dalka.

Dagaaladan ayaa waxaa guulo ka sheegtey xarakada alshabaab waxeyna sheegeen in ay gubeen 2kamid ah gaadiidka gaashaaman ayna ku laayeen ciido kor u dhaafaya 82 askeri marka leysu geeyo dhimashada goobaha dagaalka oo dhan,halka aan ciidamada huwanta iyo dawlada aaney cidina ka hadlin dagaaladaasi ka dhacey meelo kala duwan oo dalkeena soomaaliya ah.