Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dagaaladii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Una Goodiyay Ciidamada Shisheeye Ee Muqdisho Ku Sugan

0
594

Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo ah afhayeenka guud ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo shir jaraa’id u qabtay saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in mudo dhowr bilood ah ay ku qaadatay cadowga ilaahey in ay qabsadaan wadada wadnahay iyadoona uu sheegay in Mujaahidiinta Al Shabaab in ka yar 15 cisho ay ku qabsadeen Wadada Makka Al Mukarrama

Sh. Cali Dheere oo ka hadlayay shirkiisii Jaraa’id ayaa intaa ku daray in cabsi iyo rucbi baahsan uu ka jiro Magaalooyinka Kampala iyo Bajambuura isagoona sheegay in ay u aargudi doonaan dhamaan dadka ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalada shisheeyayaha ay ka wadaan Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiint Al Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in saraakiil fara badan ay kaga bakhtiyeen dagaalada Muqdisho ka socda ciidamada shisheeye isagoona ku nuux nuuxsaday in dhaawacyadooda ay buux dhaafiyeen Isbitaalada Muqdisho ay ku leeyihiin iyo kuwa ku yaal Magaalooyinka Neirobo iyo Jabuuti

Hadalkaan Afhayeenka Mujaahidiinta Al Shabaab ka soo yeeray ayaa wuxu imaanaya xilli dagaalo xoogan ay ka socdaan Magaalada Muqdiho baqdin balaaranna ay soo wajahday ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

 

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)