Sheekh C/casiis Abu-muscab Afahayeenka Dhanka ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo culus oo ay ciidamada Al-shabaab ku Qaadeen duleedka magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolkaasi Mudug.
Sidoo Kale Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay Shabaabul-mujaahidiin ka fuliyeen duleedka Boosaaso Taasina ay khasaara xoogan ugu geysteen ciidanka maamulka Faroole ee Puntland Dhankoodana Uu Sheegay In Ay Qasaaro Yar Soo Gaartay.
Abuu Muscab ayaa Waxa Kaloo Uu sheegay in dagaalkii Bari ka dhacay ay ku dileen in kabadan 30 katirsan ciidamada maamulka Puntland Inkabadana Ay Ku Dhaawaceen Qalab Militeryna Ay Ka Furteen Siduu Sheegay Sh.C/casiis.
“Sh.Abu-muscab “Afar Mujaahid ayaa naga Shahiiday Raximahumullaah cadawgna dhimashado waxay gaaraysaa sodomeeyo”ayuu Yiri Sheekha Oo Hadalka U Jeedinayay Warbaahita Ku Hadasha Afka Al-shabaab.
C/casiis ayaa Sidoo kale faah faahiyay Tiro Madaafiic Ah Oo Ay La Dheceen Villa Somaliya iyo dagaal fool ka fool ah oo ka dhacay xaafadda Gubta degmada Dayniile Ee Magaalada Muqdisho.




