Qaraxyo iyo duqeymo qoriga hoobiyaha oo kusoo dhacaya agagaarka madaxtooyada villa soomaaliya.

0
511

Tiro madaafiic qoriga hoobiyaha ah ayaa waxey kusoo dhacayaan agagaarka madaxtooyada villa soomaaliya,waana kuwo is xig xiga xilli saacadu ay ku beegantahey kowdii habeenimo oo rubi dhiman.

Madaafiicdan iyo hoobiyeyaashan ayaa kusoo beegmaya xili madaxweynaha iyo wafdi uu hugaaminayo ay maanta dalka uga ambabexeen halkaa iyo dalkaasi turkiga,waana dhabar jab iyo balan xumo horadhac looga dhigayo xukuumada dr saacid oo sheegtey in amniga magaalada muqdisho suganyahey.

Maahan markii ugu horeysey ee saqdhexe lagu soo baraarugo duqeymo iyo madaafiic aan meel ku wajahneyn oo ku dul dhaca dad iyo duunyo aan waxba galabsan oo iska hurda,anagoo akhristayaasha sharafta leh u balan qaadeyna in aan u soo gudbineyno hadba wixii kusoo kordha qaraxyadan caawa la maqlayo wixii khasaare ay geystaan iyo kale oo deg degga insha allaah.