General Dhaga-Badan Oo Maanta Ka Badbaaday Weerar Lagu Doonayay In Lagu Qaarijiyo.

0
519

Dagaal yahanada hubeysan Ee Al-shabaab ayaa maanta waxa Ay Wadada U galeen kolonyo Gaadiid Ah uu la socdayGeneral C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) Oo ah Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya

General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan),Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka oo ka soo baxay Magaalada Marka, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayaa La Sheegay In Uu Ka War Helay Dagaal Xoogan Oo Ay Al-shabaab Dagaalyahano Ka Tirsan Ku Soo Qaadeen.

Weerarka Inta Uu Socday Ayaa Waxaa Goobta Soo Gaaray Ciidamo Kale Oo Ka Tirsanaa Dowladda Kadibna Si Gurmad Ahaan Kaga Qeyb Qaatay Weerarkii Ay Wadada Uga Galeen Mr.dhagab Si Ay U Qaarajiyaan Hase Yeeshee Ay Xarakada Al Shabaab Dib Ugu Laabteen Halkii Ay Ka Soo Duuleen Kolonyadii Oo Uu La Socdayna Dhagaba Halkaasi Ay Ka Soo Baxsadeen.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhawr jeer weerar qorsheysan Oo Ay Ku Doonayaan In Ay ku qaarajiyaan Masuuliyiinta Dowlada Ee Wadadaasi Marinka U Ah Iyadoona Dhowr Jeer Weeraro Sidaan Oo Kale Ah Ay Waxyeelo Ku Gaarsiyeen Saraakiil Ciidan Kuwa Kalena Ay Iskaabiyeen.