“Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali, Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadalka soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka kasoo yeeray Lataliyihii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada, kadib falcelin xoogan oo ka dhalatay soo jeedinti Cabdisaciid Muuse oo aheyd in dowladda hada jirta iska dhicin karin Itoobiya ayna tahay in meesha u baneeyaan kooxda Al-shabaab si ay Itoobiya isaga dhiciyaan.
Gabagabadii soo jeedinta Lataliyahii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay Siyaasiyiin iyo dad badan oo Soomaaliyeed.












