Garoon Diyaaraded Cusub oo Dawladda Federalku Sheegtay in Laga Hirgelinayo Ceelmacaan.

0
305

Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Fedaraalka ay wado qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho.

Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in garoonka cusub laga dhisi doono Ceel macaan, islamarkaana loogu talo galay inuu fududeeyo ciriiriga iyo saxmada joogtada ah ee ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Magaalada Muqdhisho waxay yeelan doonta garoon diyaradeed cusub oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhamaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha dalka iyo dibaddiisa, waan qiimeynay dhulka oo waa dhul ku haboon in laga hirgaliyo dhsimaha garoonka oo waan soo gabagabeynay sahan soo socday mudo 5 shano oo aan ku qiimeyneynay jawiga garoonka cusub” ayuu yiri Maareye Axmed Macalin Xasan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Maareyaha in garoonka Aadan Cadde uu ka mid yahay garoomada ugu duulimaadyada badan Caalamka oo maalin walba ay kasoo dagaaan kana duulaan in ka badan 200 oo dulimaad oo gudaha dalka iyo dibadaba ah.

Ugu dambeyntii talaabadan dowladda ay ku dooneyso in garoon cusub uga dhisto Ceel macaan ayaa ah mid wax badan ka badali doonta dhanka cariiriga iyo mashquulka joogtada ah ee ka jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.