Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray ðð®ð¹ð, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.
Warsaxaafadeed kasoo baxay hayâadda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hayâaddu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto.
Hayâaddu waxay uga digtay dadka ku nool degaanada xeebaha inay ka feejignaadaan khataraha ka dhalan kara duufaanta kusoo wajahan degaanadooda, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan aagga xeebaha.













