Sh.Cabdiraxmaan Xudeyfa Wakiila Xarakada Shabaabul-mujaahidiin U Qaabilsan Goboladda Jubooyinka oo La Hadlayay Mid Ka Mid Ah Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al-shabaab ayaa ka Waramay Xaalada ay ku suganyihiin Shacabka Reer Kismaayo Kuwaa Oo Horey U Maamuli Jireen Al-shabaab Haatanna Ay Maamulaan Dowladda Kenya Iyo Kuwa Raaskambooni.
Gudoomiyaha Al-shabaab Ee Jubbooyinka Ayaa Sidoo kale ka hadlay dhacdadii dhawaan Wafdi ka socda AMISOM iyo Saraakiisha Soomaalida Kuwaa Oo loo diiday inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo Laguna Amray In Ay dib Ugu Laabtaan Halkii Ay Horey Kaga Duuleen Oo Aheyd Magaalada Muqdisho.
.
Sheekh Xudeyfa Ayaa Waxa Uu Shacabka Reer Kismaayo Ugu Baaqay isagoo u sheegay in ay U Feejignaadaan Amarka Alle iyo Hadallada ka soo baxaya Masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Waxa Uuna Sheegay In Ay Al-shabaab Hadaladooda Ay Ku Xaqiijinayaan Arimaha Dhabta Ah Ee ka jirta Guud Ahaan Goobaha Ay Maamulaan Dowladaha Iskaashanaya Ee Ku Sugan Dalka Soomaaliya.




